Sacuudiga oo lagu helay fadeexad kale oo gilgishay Qoyska Aala Sacuud

0
361

Riyadh (Caasimadda Online) – Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay maamulka Aala sacuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sacuudiga loo yaqaan.warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo katirsanaa dowladda Ingiriiska.Warbixinta ayaa xaqiijisay in dowladda aala sacuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Max’med Bin salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada aala sacuud.Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baaritaannada iyo suuq geynta sacuudiga ay toban milyan oo doollar udirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo “isbedelka caalamiga ah”.Mas’uul u hadlay xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sacuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka wado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.Dowladda sacuudiga ayaa caan ku ah in lacago Malaayiin dollar ah ay kula saaxiibto Ururo iyo dowlado halka gaajo ay udhimanayaan malaayiin qof muslimiin ah oo hantidooda ay xoog ku boobtay.Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com




SOURCE: Sacuudiga oo lagu helay fadeexad kale oo gilgishay Qoyska Aala Sacuud

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.