Sacuudiga oo war kasoo saaray qaraxii Muqdisho ee lagu eedeeyey Imaaraadka

0
278

Riyadh (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiyaa ayaa laga soo saaray war-murtiyeed looga hadlay xaaladaha ka taagan wadamada Islaamka sida Ciraaq, Soomaaliya, Liibiya iyo wadamo kale.
Qeyb ka mid ah war saxaafadeedka laga soo saaray shirkaas ayaa si weyn loogu cambaareeyey weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho 28 Bishii December ee sanadkii dhamaaday kaasoo ka dhacay Isgoyska Ex Control ee Afgooye.
Golaha Wasiirada ayaa tacsi hawada usoo mariyey eheladii dadkii ku dhintay qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale golaha u duceeyeen kuwii ku dhaawacmay weerarkaas oo ay u Sacuudiga ku tilmaamtay inuu ahaa mid argagixiso.
Sacuudiga ayaa tilmaamtay inuu mowqifkeedu yahay in laga hor imaado falal kasta oo ah kuwa Rabshad, xagjirnimo iyo argagixiso ah.
“Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada.
Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacay Magaalada Riyadh ayaa waxaa guddoominayey Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis.
Warbixinta kasoo baxday Golaha Wasiirada ayaa kusoo aadeyso xilli Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman ay farriin tacsi ah soo gaarsiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 150 kale, wuxuuna afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere qiray inay fulisay qaraxaas Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto Soomaaliya iyo wadamo ku yaalo Geeska Afrika.
Hay’adda NISA ayaa qaraxaas sheegtay inuu ka dambeeyey dal shisheeye, oo aysan magacaabin, hase yeeshee wargeys Turkish ah oo aad ugu dhow dowladda dalkaas ayaa qoray in dhaxal-sugaha Imaaraadka carabta Maxamed Bin Zayed uu bixiyey amarka lagu fuliyey qaraxa.




SOURCE: Sacuudiga oo war kasoo saaray qaraxii Muqdisho ee lagu eedeeyey Imaaraadka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.