Saddex qof oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

0
66

jowhar Somali News Leader
Kooxo hubeysan ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleeedka magaalada Muqdisho ku dishay Saddex qof oo saarnaa gaari yar oo marayay Isgoyska Ceelasha Biyaha.
Sida wararku sheegayaan dableyda weerarka geysatay ayaa rasaas ooda uga qaaday gaariga ay dadka Shacabka ah saarnaayeen, iyagoo weerarka kadib goobta isaga cararay, ka hor inta aysan gaarin Ciidamada amaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dadka la toogtay ay dhamaantoodba ahaayeen rag, iyadoo aan la garanin sababta rasmiga ah ee dilka ka dambeysa, balse Ceelasha Biyaha waxaa ka dhacayay dilal leh ujeeddooyin kala duwan
Dadka deegaanka ayaa sheegay dadka la dilay inay ahaayeen kuwa degan xaafadda Jabadgeele oo ku taallo Ceelasha Biyaha, iyadoo Kooxda weerarka geysatayna ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray howlgallo amniga lagu sugayay oo ay wadeen Ciidamada ammaanka.
The post Saddex qof oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Saddex qof oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.