|

Saddex ruux oo ku dhimatay gaari lagu rasaaseeyey duleedka Balcad

jowhar Somali News Leader
Saddex ruux oo mid ka mid ah ay ahayd gabar wax ka baranaysay jamaacad ku taal magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyootay kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen oo marayay meel u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Balcad.
Gaariga la rasaseeyay oo noociisu ahaa NOHA ayaa ka tegey magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeday magaalada Balcad waxaana ka mid ahaa dadka ku dhintey gaarigan darawalkii baabuurka.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan inaan la aqoon sababta keentay in dableyda ay rasaas ku furaan gaariga oo ka mid ahaa baabuurta rakaabka ee isaga kala gooshta magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.
Wadada lagu rasaaseeyay gaarigan ayaa ah mid wareeg ah oo baabuurta Noohooyinka ay isticmaalaan iyadoo ay ammaanka wadadaana uu ahaa mid wanaagsan.
Wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho ayaa ah mid aad u burbursan oo aysan gaadiidku mari kari iyadoo shilal badan ay ka dhacaan wadadaas.
The post Saddex ruux oo ku dhimatay gaari lagu rasaaseeyey duleedka Balcad appeared first on Jowhar.




SOURCE: Saddex ruux oo ku dhimatay gaari lagu rasaaseeyey duleedka Balcad

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application