Saddex sano oo ka soo wareegatay weerarkii Hotel Saxafi & dilkii Jen. Dhagabadan

0
249

Muqdisho (Caasimadda Online) – Aroornimadii hore ee Subaxdii Axadda Nofembay 1, 2015, rag hubeysan ayaa weerar toos ah ku galay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.Weerarka tooska waxaa ka horeeyay baabuur lagu qarxiyey albaabka hotelka iyo mid ka dambeeyay oo meel aan albaabka ka fogeyn lagu qarxiyey.Weerarka oo qaatay ku dhowaad maalin ayaa ugu dambeyntii saraakiisha amniga ee Dowladda ku dhawaaqeen in la soo afjaray lana dilay kooxdii hubeysneyd ee weerartay hotelka oo tiradooda 5 lagu sheegay.Weerarkaasi oo ka mid ahaa weeraradii hotelada badan lagu qaaday, dad badanna ku dhinteen, waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.Dad ka badan 20 ayaa la xaqiijiyey inay weerarkaasi ku dhinteen. Waxaa ka mid ahaa AUN Jeneral Cabdikariim Dhegabadan oo horey xilka Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka u soo noqday. Waxaan si gaar ah u xusuustaa sawirqaade Mustaf Shafaana oo la shaqeynayey Al-Jazeera TV iyo idaacadda Shabeelle oo qaraxa baabuurkii labaad ku geeriyooday.Jeneraal Dhagabadab ayaa ka hor inta aysan dilin kooxdii Hotelka weerartay waxa uu si adag ula dagaalamay raggaasi hubaysan isaga oo qori ak47 ah kula dagaalaamay, balse markii dambe rasaasta ay ka dhamaatay.Isbitaalka Madiina oo markaa dhaawaca ugu badan la geeyay waxay sheegeen 27 dhaawac ah gelinkii hore ee maalinta.Mulkiilihii hotelka Cabdirashiid Ilqeyte iyo ugu yaraan hal xildhibaan ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi.W/Q: Abdalle Ahmed MuminCaasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Saddex sano oo ka soo wareegatay weerarkii Hotel Saxafi & dilkii Jen. Dhagabadan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.