Saldhiggii ugu waynaa ee qaraxyada Shabaab oo la burburiyey, laguna laayey dagaal-yahanno badan

0
270

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka.Ku dhawaad 30 dagaalame iyo 4 hogaamiye oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye BogmadowGeneral Bogmadow ayaa Tilmaamay in hogaamiyeyaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo sarkaal oo Ajaanib ahMagacyada saraakiisha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalka ay kasoo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaabSaldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Al-shabaabka fuliya isqarxinta.Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeyay uu ka mid ahaa Goob ay Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah .Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Saldhiggii ugu waynaa ee qaraxyada Shabaab oo la burburiyey, laguna laayey dagaal-yahanno badan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.