Saraakiil Soomaali ah oo dhoolutus Ciidan uga qeyb galaya Sacuudiga

0
310

Riyadh (Caasimada Online)-Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga waxaa shalay ka bilowday dhoolutus ciidan oo ay ka qeyb galayaan ciidamo badan oo ka socdo dalalka ku xeeran Badda Cas.Ciidamo badan ayaa ka qeyb galaya dhoolutuskaasi oo loogu magac daray HIRKA KOOWAAD EE BADDA CAS, waxaana ay ka socdaan dalalka Sacuudiga, Sudan, Jabuuti, Masar, Urdun iyo Yemen.Saraakiil ka socoto Meletariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan dhoolutuskaasi ka dhacaya dalka Sacuudiga, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee kasoo baxaya dalka Sacuudiga.Inkastoo aysan jirin qoraal dowladda Soomaaliya ay ku shaacineyso ciidamadaasi kaga qeyb galaya dhoolutuska haddana General Saqar Al-xarbi ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan Danaha Dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo sidii loo joogteyn lahaa Carbiska Wadajirka ee dalalkaasi.Si kastaba ha ahaatee, Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu bishan December 12-dii kulan la yeesho Wasiiro ka kala socday dalalka Mandiqadda, waxayna Aragti ahaan isku raaceen in la dhiso Urur-gobaleed ay ku mideysan yihiin dalalka Badda Cas.Caasimada Online Xafiiska Sacuudiga Caasimada@live.com




SOURCE: Saraakiil Soomaali ah oo dhoolutus Ciidan uga qeyb galaya Sacuudiga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.