Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowlada ee Jubbaland

0
326

jowhar Somali News Leader
Sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka jubbada Hoose.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sarkaalkan uu ka soo goostay degmada Jamaame ee Jubbada hoose,horjoogahan oo lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed,waxaana uu faah faahiyay sababta uu isku dhiibay.
“Magaceyga sedexan waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababna u qaabilsananaa qeybta weerada,ilaahay ayaa isoo badbaadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa i soo dhaweeyey,markii aan arkay dhibkooda iyo rafaadkooda iyo in dhib un dadka ku hayaan,ayaan ka soo tagay oo ilaahayna I fahamsiyay,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu horjooge sharma’arke.
Cabdi Nuur Mooge oo ah afhayeenka wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa fariin u diray dhalinyarada la marin habaabiyay ee Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo argaggixisada Alshabaab.
Arrin ayaa muujinaysa in dadku ay fahmayaan fikirka qaldan ee Alshabaab,waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii kordhayay tirada maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.
The post Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowlada ee Jubbaland appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowlada ee Jubbaland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.