Sarkaal ka tirsanaa ilaalada Villa Somalia oo la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkii SYL

0
11

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii tooska ah ee xalay lagu qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay in dadka ku dhintay weerarkaasi uu ka mid ahaa, Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Villa Soomaaliya.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ciidankii ugu horreeyey ee tegay hoteelka, xilli ay gudaha u galeen illaa shan ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab.
Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) oo ka tirsanaa Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada madaxtooyada Qaranka ayaa la dilay, isagoo xilligaas ka qeyb qaadanayey howlgalka lagu soo afajaray weerarkaasi oo qaatay ku dhowaad todobo saacadood oo xiriir ah.
Sidoo kalensarkaalkan ayaa la sheegay inuu la soo shaqeeyey inta badan Ra’iisul wasaarayaashii hore ee soo maray dalka.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerarkaan, kuwaas oo isugu jiray raggii dagaalka soo qaaday, askar iyo dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa hoteelka la weeraray.
Weerarka oo bilowday abaaro wax yar ka hor 7:00 fiidnimo ayaa waxaa la soo gabagabeeyey xalay saqdii dhexe, sida ay sheegeen laamaha amniga dowladda.
Ciidamada ayaa sidoo kale intii uu weerarku socday waxay soo samata bixiyeen 82 qof, sida ay mar sii horeysay iclaamisay General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye Kugeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Al-Shabaab ayaa waxaa muuqata in ay wax ka bedeleen weeraradii ay ku qaadi jireen hoteelada magaalada Mqdisho oo ku bilaaban jiray qaraxyo, ha yeeshee uu weerarkii xaly ku bilowday dagaal toos ahaa oo maleeshiyadooda ay ku qaadeen ilaalada hoteelka.




SOURCE: Sarkaal ka tirsanaa ilaalada Villa Somalia oo la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkii SYL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.