Sarkaal ka tirsanaa Maamulkii hore ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo lagu qabtay Hargeysa

0
7

Taliyihii hore ee Ciidamada Sirdoonka maamulkii Cabdi Maxamud Cumar (Iley) ayaa lagu xirey magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland kadibna loo gacan geliyay Maamulka cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mukhtar Sheekh Suubane oo ku jira liiska dadkii la raadinayey ee dambiyada ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku noolaa magaalada Hargeysa tan iyo markii la xirey Cabdi Maxamud Cumar Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Masuuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Nabad gelyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Mukhtaar Sheekh Suubane oo ku eedaysan in uu galay dambiyo badan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jir-dil maxaabiis.

Maamulka Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wadahadaloo dhowaan ka yeeshay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka.






SOURCE: Sarkaal ka tirsanaa Maamulkii hore ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo lagu qabtay Hargeysa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.