SAVILLA OO SI XUN U GARAACDAY REAL MADRID.

0
117

Kulan aad u xiiso badan oo dhex maray kooxaha kubada cagta Savilla iyo Real Madrid ayaa waxaa kasoo baxay Natiijo aan la filanayn kadib markii ay ciyaartaasi ku awood sheegatay kooxda Savilla.

Kubada lala ciyaaray kooxda Real oo u muuqatay mid aan nasiino lahayn oo aad loogu diidanaa in ay kubada maamushaan ayaa waxaa goolka 1aad ka saxiixay ciyaarta oo maraysa 26 daqiiqo qaybteeda 1aad waxaa dhaliyay goolkaasi Wissam Ben Yedder.

Kooxda savilla oo u muuqata mid ciyaaraysa kubad isku dheeli tiran  ayaa intii aan lasoo gaba gabayn qaybtii 1aad ee ciyaarta daqiiqadii 45aad waxaa ay la yimaadeen goolka 2aad waxaana u saxiixay xidigooda Miguel Layun.

Xidigaha iyo Jamaahiirta kooxda ayaa si isku mid ah uga hadlayay in qaladaad ay hareeyeen ciyaarta balse garsoorihii aysan wax dan ah ka galin.

Markii dib laysugu soo laabtay  Xidigaha  kooxda Real oo lamooday In hal dhag wax loogu soo sheegay ayaa garoonka kasoo muuqday kuwaa oo la dhihi karay waxaa ay sameeyeen is badal wanaagsan oo sababay in dib u gurasho ay sameeyaan xidigaha Savila.

Xidiga Sergio Ramos ayaa fursad helay daqiiqadii 58aad ee Ciyaarta taa oo ahayd Gool ku laad hase ahaate waa uu khasaariyay waxuuna kubada ku garaacay birta.

Savilla oo isku sii dayay in ay kor dhiyaan tirada goolasha ee ay leeyihiin ayaa waxaa ay ka faa’idaysteen kubad rogaal celis ah oo ay ciyaareen waxaana goolkaasi si khaldan isaga dhaliyay Sergio Ramos daqiiqadii 84aad.

  

Real Madrid oo isku dayday in fursado goolal ah ay raadiso ayaa daqiiqadii 87aad waxaa gool u saxiixay Borja Mayaral.

Sidoo kale Gool Ku laad ayay heleen daqiiqadii 90aad ee ciyaarta Sergio Ramaso ayaa u dhaliyay iyadoona Natiijada Kulanka ay kusoo dhamaatay 3-2.

Xidigaha Zidane ayaa waxaa ay iska khasaariyeen Fursado badan oo Goolal noqon karay waxaana taasi ay keentay in dhinacooda dhulka la dhigo.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.