Sawiro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay muuqalka iyo Sawirada Hubkii ugu badnaa oo ay ku qabsadeen weerarkii Bariire

0
1187

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal iyo sawirro laga soo qaaday weerarkii bishii August ee sanadkii hore ka dhacay deegaanka Bariire kaa oo ka dhashay khasaaro kala duwan.
Muuqaalka iyo sawirada weerarka ayaa waxaa baahiyay Mu’asasada Alktaa’ib, garabka warbaahineed ee Al-Shabaab waxaana ka muuqda gaadiid kala nooca oo maleeshiyada ay ku qabsatay weerarka.
Filimka ay baahisay maleeshiyada ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa qaabkii uu ku bilowday weerarka, sida maleeshiyada ay ku galeen gudaha xerada ciidamada iyo sida uu dagaalka uga dhex dhacay xarunta.
Muuqaalkan oo la daawan karo in ka badan 30 daqiiqo ayaa waxaa lagu arkayaa qiic iyo olol ka baxaaya xerada wallow ay ciidamada xiligaa iska caawiyeen maleeshiyaadka duulaanka qaaday.





READ MORE FROM THE SOURCE: Sawiro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay muuqalka iyo Sawirada Hubkii ugu badnaa oo ay ku qabsadeen weerarkii Bariire

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.