Sawiro: Mukhtaar Roobow oo noqday musharixii ugu horeeyay ee shahaadada musharraxnimo qaata

0
362

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan.Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya.Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed.Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Roobow wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com




SOURCE: Sawiro: Mukhtaar Roobow oo noqday musharixii ugu horeeyay ee shahaadada musharraxnimo qaata

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.