Sawirro: Al-Shabaab iyo 40 odayaal beeleedyo oo galay HESHIIS yaab leh

0
194

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay inay heshiis la galeen 40 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo matalaya beelaha kala duwan ee Soomaalida, kadib kulan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.Qoraal lagu baahiyay baraha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in odayaasha muddooyinkii u dambeeyay ay siminaar kaga qeyb galayeen goob aan la sheegin oo ku taala Shabeelaha Hoose.Waxaa sidoo kale la sheegay in odayaasha lagala heshiiyay inay Al Shabaab kagala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya.Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo ka wakiil ahaa hogaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in odayaasha oo gaaraya 40 oday dhaqameed uu heshiis la galay, kadib munaasabad ka dhacday Shabeelaha Hoose.Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay Al Shabaab ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada ajaaniibta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Sawirro: Al-Shabaab iyo 40 odayaal beeleedyo oo galay HESHIIS yaab leh

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.