Sawirro: Ciidamada DF oo baaritaan ku billaabay guryaha Muqdisho

0
30

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay bilaabay baaritaanka xaafadaha magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu balanqaaday in la sameyn doono baaritaano adag.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada ay bilaabi doonaan baaritaan guri walbaa oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana xalay laga bilaabay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.Ciidamada Booliska ee dhawaan la geeyay degmada Warta Nabadda ayaa xalay baaritaan guri guri ah ka bilaabay xaafadaha Neeshinka, Oorfane iyo Baariyow oo ka wada tirsan degmada Warta Nabadda.Saraakiisha ciidamada amaanka ee degmada ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaankaasi looga gol leeyahay in lagu raadiyo haddii ay jiraan hub lagu dhex qarsanayo xaafadaha iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad xiriir la leh Al Shabaab.Guddoomiye Yariisow ayaa maalmo ka hor shaaciyay in howlgaladaan ay sameyn doonaan ciidamada amaanka, kadib todobaad qaraxyo ay marti gelisay magaalada Muqdisho.Waxaa dhagxaanta lagu sii badiyay isgoysyo markii hore ciidamada amaanka ay joogeen, waxaana la xiray meelaha qaar si gaadiidka ay kaga soo gudbin iyadoo wali ay jirto cabsida dhanka amaanka ah.Iyadoo sidaasi magaalada u kala xiran tahay ayaa haddana waxaa dhacaya dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan xubnaha taageersan Al Shabaab iyo qaraxyada dadka gaadiidka loogu xirayo.Cabsi dhanka amaanka ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa sababtay in waddooyin badan la xiro, ciidamo badan la geeyo waddooyinka qaar iyo in baaritaankaan ay sameeyaan ciidamada amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Sawirro: Ciidamada DF oo baaritaan ku billaabay guryaha Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.