Sawirro: Cumar Filish oo shaaciyey inay badan tahay dhimashada iyo dhaawaca qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

0
27

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) oo tegay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa ka hadlay qaraxii xooganaa ee saaka dhacay halkaasi.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in khasaara badan uu geystay qaraxa, islamarkaana ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 90 qof oo u badan dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha uu ka dhacay qaraxaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah.
Cumar Filish ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka mid ahaayeen Injineero Ajnabi ah iyo arday badan oo la socotay gaari Bus ah.
Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in ismiidaamiyaha uu damacsanaa inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka.
Dhinaca kale isbitaallada Muqdisho, gaar ahaan midka Madiina ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada ugu badan, waxaana isbitaalkaasi buux dhaafiyey shacab fara badan.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana uu burbur xoogan uu soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.





SOURCE: Sawirro: Cumar Filish oo shaaciyey inay badan tahay dhimashada iyo dhaawaca qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.