Sawirro cusub: Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo la filayo in xabsiga laga daayo

0
143

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa la filayaa inay si rasmi ah usii dayso Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi Dhagax oo Sanadkii 2017-kii laga dhoofiyay Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan-gelisay dowladda Ethiopia.
Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in Cabdikariin Qalbi Dhagax uu hadda helay xoriyad kooban, oo loogu ogolaanayo inuu arko qoyskiisa, waxaana soo baxay sawirro cusub oo muujinaya isaga oo ay booqdeen guddiga xuquuqda aadanah ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Tallabada lagu sii daynayo Qalbidhagax ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka uu wado ra’iisul wasarae Abiy Ahmed, uuna ku doonayo inuu ku kasbado bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya, isaga oo horey usii daayey rag badan oo mucaaradka qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ka mid ah.
Magaalada Addis Aabba ee dalka Itoobiya waxaa ku qulqulaya dad badan oo Soomaali ah kana yimid wadamada deriska la ah Itoobiya iyo dad kayimid Qaaradaha Yururb oo la dhacsan siyaasadda Abiy Ahmed.

 




READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro cusub: Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo la filayo in xabsiga laga daayo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.