Sawirro cusub: Cabdikariim Muuse QALBI-DHAGAX oo laga sii daayey XABSIGA

0
129

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa sii daysay Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi Dhagax oo Sanadkii 2017-kii laga dhoofiyay Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan-gelisay dowladda Ethiopia.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cabdikariin Qalbi Dhagax uu hadda helay xoriyaddiisa uuna la midoobay qoyskiisa.
Sii daynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddiga xuquuqda aadanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo gurigiisa ku booqday, kuwaas oo sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana waqti la qaadanayo qoyskiisa.
Sii daynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa si aad ah maanta looga hadal hayaa Soomaaliya, iyo baraha bulshada Soomaalida ay isku arkaan.
Tallabada lagu sii daayey Qalbidhagax ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka uu wado ra’iisul wasarae Abiy Ahmed, uuna ku doonayo inuu ku kasbado bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya, isaga oo horey usii daayey rag badan oo mucaaradka qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ka mid ah.

 




READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro cusub: Cabdikariim Muuse QALBI-DHAGAX oo laga sii daayey XABSIGA

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.