|

Sawirro: DF oo kordhisay kala-wareega Muqdisho iyo jidad cusub oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyin horleh oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo la kordhiyay kala wareega lagu qasbo gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho.Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay xireen waddooyin horleh, waxaana saaka gabi ahaanba gaadiidka dadweynaha loo diidayay laga bilaabo Ex-Control Afgooye ilaa isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.Isgoyska Tarabuunka ilaa Bakaaro ayaa sidoo kale xiran, waxaana saaka lagu arkayaa ciidamo badan oo boolis ah, iyadoo ay baaritaano ka sameynayaan.Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa xiray waddooyin horleh, waxaana dadweynaha xitaa loo diidayaa waddooyin qaar oo ku yaala magaalada Muqdisho.Todobaadkii ugu dambeeyay ciidamada amaanka ayaa xiray waddooyin badan oo ku yaala Muqdisho, iyadoo dadka lagu qasbay inay gaadiid ku kala wareegaan marka ay doonayaan inay meelaha qaar u gudbaan.Ciidamada ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay waxay baaritaano joogto ah ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ay kusoo qabteen keydkii ugu weynaa Al Shabaab ee hub ku lahaayeen Ceelasha.Cabsi dhanka amaanka ayaa ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho, waxaana wali iyadoo amaanka sidaasi loo adkeeyay dhacaya qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.Taliska ciidamada Booliska ayaa dhawaan shaaciyay in howlgalkaasi ay socon doonaan ilaa laga adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana dhagxaan badan lagu xiray xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@gmail.com




SOURCE: Sawirro: DF oo kordhisay kala-wareega Muqdisho iyo jidad cusub oo la xiray

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application