Sawirro: Dowladda Kenya oo sheegtay in Somaliland ay dal tahay

0
269

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay kasii dartay cadaadiska ay ku hayso dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, ayada oo soo bandhigtay qoraal u muuqda inay ku muujineyso inay Somaliland u aqoosantay dal.Wasaaradda arrimaha diebdda Kenya ayaa qoraalkan oo ay goordhow soo dhigtay barta twitter waxa ay si cad ugu yeeray Somaliland inay tahay “dal.”Qoraalkan ayaa ku saabsanaa kulan dhex maray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Macharia Kamau iyo wasiirka warrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon.Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Ambassador Macharia Kamau ayaa galabta wada-hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon. Labada dhinac ayaa ka xaajooday danta guud ee LABADA DAL iyo sida ay ku xoojin karaan wada-shaqeyntooda”.Kenya ayaa bilihii dhowaa aad u kordhineysay wada-shaqeynta iyo soo dhoweysashada Somaliland, ayada oo ujeedku yahay in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya.Kenya waxa ay sidoo kale dhowaan sheegtay inay wakiil u direyso magaalada Hargeysa ee Somaliland si uu halkaas uga furo xafiis diblomaasiyadeed.Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee dalka ugu yeeray Somaliland.Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com




SOURCE: Sawirro: Dowladda Kenya oo sheegtay in Somaliland ay dal tahay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.