Sawirro: Gadiidkii lagu Qabtay Cadaado oo Agab kale lagu arkay & Baaris ku socoto

0
217

Cadaado (Caasimada Online)-Lix maalin kadib maamulka degmada Cadaado iyo ciidamada deegaanka ayaa baaris ku bilaabay gaadiidkii lagu qabtay magaalada Cadaado Seddexdii bishaan.Gaadiidkaan ayaa sidaan horey u sheegnay wuxuu kusii jeeday magaalada Dhuusomareeb, waxaana uu u rarnaa Qaramada Midoobay, waxaana baaritaanka lagu bilaabay Shalay gelinkii dambe.Gaadiidka Qaarkood ayaa waxaa lagu arkay waxyaabaha looga shakiyay wax aanan aheyn oo ah Silig iyo waxyaabaha Carada lagu shubo oo difaac ahaan loo dhigo xarumaha ciidamada, dowladda iyo xarumaha Qaramada Midoobay.Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharciga.Maamulka degmada Cadaado ayaa horey gaadiidka uga shakiyay inay wadeen hub kusii jeeday magaalada Dhuusomareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Sawirro: Gadiidkii lagu Qabtay Cadaado oo Agab kale lagu arkay & Baaris ku socoto

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.