Sawirro: Horjooge & Dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DFS

0
104

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha CXD ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo dagaalyahan kale oo ka tirsan maleeshiyada.
Horjoogahan ayaa lagu qabtay degaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, xili uu ku guda jiray shaqooyinkiisa argagixiso.
Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Cali Cabdullaahi Sadiiq, waxa uuna sheegay in xiliga uu ku biiray maleeshiyada laga joogo sanado badan.
Saraakiisha CXD ayaa sheegay in horjoogahan uu ahaa wakiilka Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanka Xaaji Muuse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Laba xidigle C/fitaax Ibraahim Maxamed oo ah Taliyaha ururka 58-aad, Guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka,ayaa warbaahinta u sheegay in Tuulada Muuse Xaaji ay kula dagalameen Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay ka dileen 11 Dagaalame.
Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray Taliyaha in mudada lagu guda jiray dagaalka ay gacanta ku dhigeen Horjoogaha Tuulada Muuse Xaaji u qaabilsanaa Al-shabaab.





READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Horjooge & Dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DFS

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.