Sawirro: Isbitaalka Madiina oo la gaarsiiyey dhaawacyadii ugu badnaa iyo dhimashada 73 qof

0
282

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee isbitaalka weyn ee Madiina, Dr Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dhaawacyada iyo meydadka la geeyey isbitaalkaasi, kadib qaraxii saaka ee Ex-Koontarool Afgooye.
Dr Maxamed Yuufuf ayaa xaqiijiyey in isbitaalka Madiina kaliya la geeyey dhimashada 73 qof iyo dhaawac 52 kale, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa aad u liita.
Sidoo kale agaasimaha isbitaalka Madiina ayaa tilmaamay in isbitaalka uusan xamili karin tirada dhaawacyada la dhigay, islamarkaana loo baahan caawimaad deg-deg ah.
Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa booqday dhaawacyada la geeyey isbitaalkaasi.
Guddoomiye Cumar Filish oo gudaha isbitaalka kula hadlay warbaahinta ayaa ballan qaaday in dowladdu dhaawacyada halista ah u qaadi doonto dalka dibaddiisa.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka ah inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxii saaka ee ismiidaamiinta ahaa.
Weli waxaa socda tiro koob ku aadan dadka ku dhintay qaraxaan oo aad u badan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ku dhowaad 100 qof ay dhinteen, dhaawacana uu ka badan yahaya tiradaasi, kuwaas oo badan dad rayid ah oo arday ay ka mid ahaayeen.
Ma jirto illaa iyo cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan oo geystay khasaaraha sidaasi u badan.





SOURCE: Sawirro: Isbitaalka Madiina oo la gaarsiiyey dhaawacyadii ugu badnaa iyo dhimashada 73 qof

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.