Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland kusoo bandhigay dhagarqabe ka tirsanaa Al-Shabaab.
Dhagarqabahaani oo la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab ayaa xiriir la sameeyay maamulka waxa uuna horay ula soo goostay qori noociisa lagu sheegay AK47 iyo Qasnado rasaas ay ku jirtay.
Axmed Muuse Xirsi oo ah Taliyaha Ciidamada Nabad sugida maamulka Jubaland, ayaa sheegay in dhagarqabaha isa soo dhiibay lagu magacaabo Aadan Huudow Cabdi.
Waxa uu Taliyaha sheegay in dhagarqabaha loo lacageeyay qoriga iyo rasaastii uu watay, maadaama uu dhibaato lasoo maray hubkiisa.
Waxa uu maleeshiyaadka kale ugu baaqay inay kusoo biiran ciidamada dowlada maadaama uu gabaabsi yahay jiritaanka Al-Shabaab.
READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Shabaab & Hubkiisa oo loo lacageeyay