Sawirro: Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta W/A/ Gudaha DFS

0
50

Muqdisho (Caasimada Online)- Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow si rasmi ah loo soo afjaray dagaalkii ka dhex socday gudaha Xarunta Wasaarada Arrimaha gudaha Xukuumada Somalia, kadib markii ay weerar ku qaaden maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia oo maleeshiyaadka ka dabagalay xarunta ayaa toogasho ku dilay Saddex nin oo ka tirsanaa Shabaab galay xarunta.
Saraakiisha ku baxay weerarka waxa ay sheegeen ragga weerarka soo qaday inay ka koobnaayen  Shan ruux.
Waxa ay sheegen in mid ka mid ahaa ragaasi uu kaxeynaayay gaariga qaraxa lagu fuliyay, halka ruuxa kalena uu isku qarxiyay irida hore ee dhismaha Wasaaradahan.
Ciidamada dowladda oo gudaha u galay dhismaha Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga, ayaa u suuragashay inay toogtaan tirada kale ee ka dhex dagaalameysay gudaha Xarunta.
Maleeshiyaadka la toogtay maydkooda ayaa wuxuu yaalla Barxadda hore ee Wasaaraddahan, waxaana jooga goobta Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Sidoo kale, banaanka Wasaarada waxaa tuban meydad dhowr ah oo ay ku jiraan dad shacab oo howlo ka watay Wasaarada.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay Shaqaale ka tirsan Wasaarada, Askar iyo dad shacab ah oo xiliga weerarka howlo u dhex joogay Wasaarada.
Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku faanay in weerarka ay ku dileen shaqaale badan oo ka tirsanaa Wasaarada, hase yeeshee waxaa aad u yaraa khasaaraha.
 





READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta W/A/ Gudaha DFS

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.