Sawirro: Lafta Gareen oo diyaarad qaas ah ku tegay Marka

0
29

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxaweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta gaaray magaallo Xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.Wafdiga uu hoggaaminayo Lafta Gareen oo isugu jiro xildhibaano iyo wasiiro ayaa ka soo ambabaxay degmada Xudur oo ay ka soo qaaday diyaarad uu leeyahay UN-ka.Madaxweyne Lagta Gareen iyo xubnaha la socda waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, kan degmada Marka iyo qeybaha bulshada.Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana si wadajir ah u sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in Madaxweynuhu kulamo uu ka bilaabo halkaasi, isagoo u kuur geli doono xaaladda deegaanka.Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) booqdo Marka, tan iyo markii loo doorta xilkaasi.Marka oo ah magaallo qadiimi ah ayaa waxaa in muddo ah go’doon ku hayay Al-Shabaab, inkastoo hadda meelaha ugu badan laga saaray.Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com  




SOURCE: Sawirro: Lafta Gareen oo diyaarad qaas ah ku tegay Marka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.