Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo lagu soo dhoweeyay Johannesburg

0
73

jowhar Somali News Leader
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta ka soo ambabaxay Muqdisho ayaa soo gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Johannesburg, halkaasoo uu sallaan kaga qaatay Ciidamo u diyaarsanaa soo dhoweynta hab maamuuska leh.
Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah waxa uu magaalada Pretoria kaga qeyb galayaa caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphos, isagoo ka mid ah Madaxda lagu casuumay xaflada caleema saarka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Koofur Afrika waxaa uu kulamo xog-wareysi ah la yeelan doonaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.
Shan sano ka hor xilligan oo kale sanadkii 2014 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay caleema saarkii Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma oo sanado ka hor is casilay.
Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa dhowaan ka dhacay doorasho, iyadoo Xisbiga talada haya ee ANC uu mar kale ku guuleystay doorashada, taasoo mar kale fursad u siisay inuu dalka ku hoggaamiyo Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo horay u bedelay Madaxweynihii ka horeeyay ee Jacob Zuma.

The post Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo lagu soo dhoweeyay Johannesburg appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo lagu soo dhoweeyay Johannesburg

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.