Sawirro: Maxaa kala qabsaday carruurta darbijiifta Muqdisho iyo ciidamada DF?

0
338

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday howlgalo ka dhan ah carruurta darbi jiifta ee ku hoyda hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho.
Qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkaayay raafka carruur badan oo hooy ka dhigtay waddooyinka kuwaa oo u saaxiib ah isticmaalka maandooriyaha qeybihiisa kala duwan.
Waxaa waddooyinka qaar lagu arkaayay is jiid-jiid dhex maraaya ciidamada asluubta iyo carruurta oo ahaa kuwo ka biya diidanaa in laga kaxeeyo darbiyada ay hoyaadka ka dhigtan.
Carruurta qaar ayaa ahaa kuwo isku dayaayay carar si ay uga nabadgalaan uruurinta ay ku hayeen ciidamada asluubta, hase yeeshee waxaa lagu eryanaayay gaadiid yarytar si aysan u baxsan carruurta daryeelka u baahan.
Qaarkood ayaa ahaa kuwo inkiray inay yihiin darbi jiif iyaga oo gamcaha ku sita caagagta xabagta si ay uga badbaadan daryeelka la doonaayay in loo sameeyo.
Ciidamada ayaa dhibaato badan u maray uruurinta carruurta darbijiifta, hase yeeshee waxa ay iyaguna ahaayen kuwo xeeladeynaayay carruurta si aysan u dareemin kaxeyntooda.
Dhaqan celinta iyo daryeelka Carruurta aan cidna ku tiirsanayn waa mid ka mid ah waajibaadka uu u xilsaaranyahay Taliska Asluubta Soomaaliyeed,sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Mohamed.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda daryeel iyo waxbarasho siiya ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.





READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Maxaa kala qabsaday carruurta darbijiifta Muqdisho iyo ciidamada DF?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.