Sawirro: Muxuu ku saleysnaa Heshiiska dhexmaray dowladaha Somalia & Ethiopia?

0
503

Muqdisho (Caasimada Online)-Heshiiskani oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxa uu u dhexeeyay dowladaha Somalia iyo Ethiopia, kaa oo la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.
Heshiiska oo u dhexeeyay Wasaaradaha arrimaha dibadda Somalia iyo Ethiopia ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaana lagu xusay in leyska kaashanaayo Xiriirka Iskaashiga, Siyaasada, Horumarka, Biyaha iyo qodobo kale.
Qoraal Heshiiska looga hadlaayay oo lagu soo daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda heshiiska labo geesoodka ah uu u leeyahay labada dal.
QORAALKA WASAARADDA AYAA U QORNAA:-
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, daris wanaag, ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.
Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa heshiisyo lagu xoojinayo labada dal ku kala saxiixday Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa.





SOURCE: Sawirro: Muxuu ku saleysnaa Heshiiska dhexmaray dowladaha Somalia & Ethiopia?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.