Sawirro: Qalab casri ah oo la keenay dekeda Xamar

0
277

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada gacanta ku heysa dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu kordhiyay dekadda magaalada Muqdisho oo si caalami ah u shaqeysa.Maareeyaha Shirkadda Albeyrak Sami Erol, wasiirka dekadaha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay munaasabadaan oo ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho.Qalabkaan cusub ayaa la sheegay inuu wax weyn ka tari doono hagidda marakiibta iyo sidoo kale inay ka qeyb qaataan daminta dab haddii uu ka kacaa dekadda magaalada Muqdisho.Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalada Dubai waxaan ku howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagidda Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.Wasiirka Dekadaha xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in arintan ay qeyb ka tahay balaarinta dekada magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com




SOURCE: Sawirro: Qalab casri ah oo la keenay dekeda Xamar

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.