Sawirro: Sarkaal xil sare u hayay Al-Shabab oo isku soo dhiibay DF Somalia

0
127

Muqdisho (Caasimada Online)-Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Dowlada Somalia ee ka howlgala deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sarkaalkan isku soo dhiibay ciidamada dowlada oo howlo kala duwan soo qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Maxamuud oo Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Ramadaani.
Sarkaalkan isa soo dhiibay ayaa sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab uu u qaabilsanaa aruurinta lacagaha Zakawaadka loo yaqaano oo Shabaab ay ka qaadaan dadka shacabka ah.
Waxa uu Sarkaalkan sheegay inuu madax u ahaa qeyb ka mid ah raga amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.
G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq oo ah Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga qeybta 43-aad oo la hadlay Idaacadda CXD ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyadoo Shabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf.
Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Sarkaalka isku soo dhiibay Ciidanka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Shabaab.





READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Sarkaal xil sare u hayay Al-Shabab oo isku soo dhiibay DF Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.