Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada waxaa la badbaadiyay Rakaab la socday diyarad ku dhacday buurta Mount Jumbo ee gobolka Alaska ee dalka Maraykanka.
Diyaaradan ayaa waxaa dadkii la socday badbaadiyay ilaalada xeebaha ee Maraykanka kuwaa oo tiro ahaan lagu sheegay 11 ruux.
Saraakiisha ilaalada oo dhacdada kadib ay xigteen wargeysyada ayaa sheegay in shilka uusan qof ku dhiman balse dhawr ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markay diyaaradoodii dhacday.
Dhicitaanka diyaarada kadib waxaa la xaqiijiyay in buurta laga howlgaliyay ilaa iyo labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, iyagoo ku guuleysta samatobixinta dadka la badbaadiyay.
Waxa ay wararku intaa kusii darayaan in Rakaabkii diyaaradda la socday laga helay meel dhulka ka saraysa 609 mitir, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Maraykanka.
READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Sidee ayey u dhacday badbaadinta rakaabkii la socday diyaarada ku dhacday Alaska