Garbahaarey (Caasimada Online) – Jeneral Cali Maxmed Maxamuud ( Bogmadow) oo saakay diyaaradii siday laga celiyay garoonka Kismaayo ayaa sida la xaqiijiyay ka dagay degmadda Garbahaarey ee gobalka Gedo, oo si diirran loogu soo dhaweyay.
“Jubbland ma ahan Axmed Madoobe iyo Kismaayo kaliya ee Gobolka Gedo ayaan shaqadeyda ka billaabayaa” ayuu yiri Jeneral Bogmadow.
Gudoomiyaha gobolka Gedo, saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolkaas iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweysay.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanada gobolka Gedo.
Maanta barqadii ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo loo diiday in uu ka dego taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxana Jubbaland ay sheegtay in aan lagala tashan magacaabista taliyahaas.
Dhowaan ayaa waxaa sii kordhayey xiisadda dowladda iyo Jubaland, ayada oo Axmed Madoobe uu ka cabsi qabo in ciidamada ku sugan Gedo ee beesha Mareexaan ay doonayaan inay qabsadaan Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com
READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Taliyihii Kismaayo laga celiyey oo ka degay magaalo kale oo Jubaland ah