Sawirro: Wasiirada Cusub Ee Puntland Oo La Dhaariyay

0
68

Maanta oo Talaado ah ayaa madaxtooyada Garoowe waxaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee Puntland, kadib munaasabad kooban oo halkaasi ka dhacday.
Waxaa dhaarinta wasiiradan goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa la dhaariyey 44 wasiir waxaana maqnaa Afar wasiir oo qaarkood dibadda ku maqan, iyadoo madaxweyne Dani uu la dar-daarmay wasiiradan cusub.
Wuxuu ka dalbaday in si daacad ah ugu adeegaan shacabka ay adeegaha u noqdeen, islamarkaana muujiyaan midnimo iyo wadashaqeyn buuxda.
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????




SOURCE: Sawirro: Wasiirada Cusub Ee Puntland Oo La Dhaariyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.