Sawirro: Xubno Daacish ku biiri lahaa iyo saad loo sii waday oo la qabtay

0
188

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhinteen xubno doonayay inay ku biiraan kooxda Daacish oo fariisimo ku leh buulaha deegaanada Puntland.Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa la sheegay in xubnaha ay qabteen ay ku wajahnaayeen buuraha Cali Miskaad oo Puntland ka tirsan halkaasi oo saldhig ay ku leeyihiin kooxda Daacish.Qoraal lagu daabacay barta ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay qabteen shaqsiyaad si dhuumaaleysi ah tababar u qaadanayay kuwaasi oo ku wajahnaa buurta Cali Miskaad.Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in lagu qabtay saad loo waday ciidamada Daacish ee ku sugan deegaanka.“waxay shalay 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso”“Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas”ayaa lagu yiri qoraalka.Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa dadweynaha Gobolka Bari ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka hortagga Daacish iyo Al-shabaab.  




SOURCE: Sawirro: Xubno Daacish ku biiri lahaa iyo saad loo sii waday oo la qabtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.