Seddex musharax oo u gudubtay wareega labaad ee doorashada G/Xigeenka Koowaad

0
292

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaatay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay dhiibteen, waxaana ay xildhibaanada ay u codeeyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland.Musharixiin badan ayaa u tartameysay doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, kuwaasi oo ka badan musharixiintii u taagneyd doorashada  guddoomiyaha baarlamaanka.66 Xildhibaan ayaa dhiibtay codadka wareega koowaad ee doorashada, waxaana guddoomiye ku xigeen noqon doona musharaxa hela seddex meelood labo meel codadka la dhiibtay.Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan:-Jaamac Yaasiin Jaamac 7 C/Xamiiid C/Salaan Ciise 11 Abuukaate C/Casiis Cabdulaahi Cismaan 28 C/Casiis Saciid Gamaceey 18 Cabdulaahi Muuse Yuusuf 4Hal cod ayaa halaabay, waxaana wareega Labaad u gudbay Abuukaate C/Casiis Cabdulaahi oo helay 28 cod, C/Xamiid C/salaan Ciise oo helay 11 cod iyo Generaal C/Casiis Saciid Gacamey oo helay 18 cod.Waxaa hadda bilawday doorashada wareega labaad ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland.La soco doorashada Puntland Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Seddex musharax oo u gudubtay wareega labaad ee doorashada G/Xigeenka Koowaad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.