Seddex Su’aal oo u baahan in laga jawaabo ka hor inta Ruux ajnabi ah aan loo dhiibin Bangiga Dhexe

0
320

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee dalka, isaga oo soo jeediyay su’aalo u baahan in laga jawaabo.Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in ruux ajnabi ah uu qabtaa xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka.Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedadaasi ay tahay mashruuc bilowgiisa xildhibaanada baarlamaanka ay hadda og yihiin balse shacabka Soomaaliyeed aysan ogeyn dhamaadka mashruucaasi.“Beec geynta Bangiga Dhexe waa mashruuc bilowgiisa aan aragno, laakiin dhamaadkiisa cid aysan ogeyn, soo jeedin wax loogu bedelayo sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta, si nin Ajnabi ah loogu dhiibo Bangiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn seddex Su’aal ka keenay qorshahan cusub. Haddaba, waxaa isweydiin mudan:Maxaa xikmad ah oo ku jira in xilligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhexe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?!Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Seddex Su’aal oo u baahan in laga jawaabo ka hor inta Ruux ajnabi ah aan loo dhiibin Bangiga Dhexe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.