SERGIO RAMOS OO FARIIN MURUGO LEH USOO DIRAY MOHAMED SALAH.

0
124

Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda Los Balancos ayaa waxaa uu ka hadlay farina uu kasoo diray dhacdadii xalay uu dhaaawac garabka ah ugu gaystay Weeraryahanka kooxda Liverpool Maxamed Saalax.

Sergio Ramos oo dhaleecayn aad u wayn kala kulmaya Jamaahiirta kooxda Reds ayaa si taxadar leh arintaan uga hadlay.

Ramos ayaa qoraal kooban waxaa uu kusoo qoray Bogiisa Twitterka isagoona yiri”Kubada ayaa mararka Qaar kuu qoslaysa,halka marka kale ay dhabarka kusoo jeedinayso.

Waxaan Xaqiijinayaa inaynu nahay Saaxibo,waxaan rajaynayaa in uu si dag dag ah uga soo kabto Salah,dhaawaca soo gaaray Mustaqbal ayaa sugaya.

Xidigan ayaa muujiyay inuusan wax cadaawad gaar ah uusan u qabin Maxamed Saalax balse waxaa uu sheegay in kubada marka la ciyaarayo wax walba lagala kulmi karo.

Hadaba hadalkaan naxariista leh ee kasoo yeeray Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ma noqon doonaa mid laabta u qaboojiya Taageereyaasha Liverpool joojiyan kacdoonka ay wadaan.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.