Sevilla Vs Barcelona , Wax Waliba Oo Aad Uga Baahan Tahay Finalka Super-ka Cup-ka

0
69

Dadka xiiseysa kubadda cagta Spain ayaa isha ku haya kulanka dhex maraya kooxaha Barcelona iyo Sevilla ee finalka Super-ka Cup-ka
Barca ayaa hamineysa in ay guul ka gaaraan kulankaas ayna la hoydaan koobkoodii 13-aad ee taariikhda tartankaan Super-ka ayna sii dheereystaan xilli kooxda Real Madrid iyana tahay kooxda 9-ka jeer haysata koobkaan .
Sevilla ayaa dhankeeda baadi goobeysa in ay markoodii labaad qaadaan koobkaan xilli markii ugu horeysay ay qaadaan sanadkii 2007-dii .
Xogta kulanka.
Waa markii 3-aad ee ay Barca iyo Sevilla isku arkayaan finalka Super-ka Cup-ka waxa ayna horay u kulmeen sanadihii 2010-ka iyo 2016-ka waxaana labadaas jeerba qaaday kooxda Barcelona.
Sevilla kaliya hal jeer ayay ka badiyeen Barca 11-kii kullan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada waxa ayna aheyd October sanadkii 2015-ka xilligaas oo ay ku garaaceen 2/1 waxaana la joogay horyaalka La Ligaha halka 10 kullan ay guul dareysteen waxa ayna bar bar dhac galeen hal kullan.
Barcelona waa kooxda ugu badan ee haysta koobka Super Cup-ka tan iyo markii la bilaabay , waxa ayna qaadeen 12 jeer
* Kulamada Barca iyo Sevilla kuma dhamaan bar bar dhac bilaa goolal ah 17-kii kullan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada waliba qaab isku xiga , markii ugu dambeeysay ay sidaas dhacdayna waxa ay aheyd October sanadkii 2011-kii.
* Messi waa gool dhaliyaha taariikhiga ah ee tartankaan waxa uu leeyahay 13 gool ka dib 17 kullan , waxaase ku xiga xiddigii hore Real ee Raul Gonzalez kaasi oo dhaliyay 7 gool ka dib 12 kullan .
* Sevilla , markii afaraad taariikhdooda ayay imaanayaan finalka Super Cup-ka waxa ayna qaadeen kaliya hal jeer xilligaas oo ay ka qaadeen Real waxa ayna aheyd 200-dii , ka dibna 2010-kii iyo 2016-kii waa ay guul dareysteen .




READ MORE FROM THE SOURCE: Sevilla Vs Barcelona , Wax Waliba Oo Aad Uga Baahan Tahay Finalka Super-ka Cup-ka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.