Shabaab oo isugu yeeray BEELAHA Jubbada Dhexe, dalab culus-na hor-dhigay

0
147

Bu’aale (Caasimada Online) – Maleeshiya ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada Jubbada Dhexe ka billaabay tallaabooyin ay isugu yeerayaan qabaa’ilka, ayaga oo hor-dhigaya dalabyo culus, oo beelaha ay aad u dhibsadeen.Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen in Qabiil Qabiil ay dadku isku qaybiyaan ka dibna ay keenaan Hanti waxa ay heestaan.“Qabiil kasta waxaa la balaminayaa maalin gaar ah, waxaana laga rabaa Xoolo hadii ay heestaan ama Beeralay hadii ay yihiin dalagyadii u soo baxay inay keenaan oo siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.Culeyska ugu daran ayaa haatan wuxuu saaranyahay, Ganacsatada Beeralayda iyo Xoola Dhaqatada ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobalka Jubbada Dhexe.Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha.Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’. Halkan ka aqri qormo sharxeysa Infaaq.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: Shabaab oo isugu yeeray BEELAHA Jubbada Dhexe, dalab culus-na hor-dhigay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.