Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii afaafka Villa Somalia

0
191

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada AlShabaab ayaa goordhow baahisay magaca mid kamid ah maleeshiyaadkii fuliyay weerarka ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia.
War qoraala oo kasoo baxay maleeshiyada Alshabaab laguna baahiyay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka gaar ahaan Idaacada Andulus ayaa lagu sheegay in raggii weerarkaas geystay uu ka mid ahaa, isl markaana uu isqarxiyey  Maxamed Xuseen Sheekh Rooble.
Naftii haligahaani fuliyay ismiidaaminta ayaa lagu naaneesi jiray Deeqoow Xiirane waxa uuna muddo fog ka tirsanaa Alshabaab.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in naftii haligahaani da’diisu ay aheyd 24 Sanno jir, isla markaana uu ku dhashay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe. Waxa uu kasoo jeeda beesha Jiido.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhawaan soo bandhigtay Magacyada laba ka mid ah ragii isku qarxiyey Xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Geesta kale, weerarka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad lix ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo xiliga weerarka ku sugnaa eeryada uu weerarka ka dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii afaafka Villa Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.