Shabaab oo sheegatay tiro askar Mareykan ah ‘oo ay ku dileen’ weerarkii maanta

0
714

Muqdisho-(Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray khasaaraha ay sheegeen inuu ka dhashay weerarkii ay waaberigii hore ee saakay ku qaadeen saldhig militeri oo ay ciidamo iskugu jira Mareykan iyo Kenyaan ka deganyihiin deegaanka Manda Bay gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Bayaan ku qoran luuqadaha English iyo Carabi oo goor dhaw ka soo baxay Al-Shabaab, isla markaana ay ku baahiyeen warbaahintoodam ayaa waxay ku sheegeen in khasaare iskugu jira naf iyo maalba ay weerarkaas ugu geysteen ciidamadii ku sugnaa saldhigga.
Al-Shabaab warkooda waxay ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 17 askari American ah iyo sagaal kale oo ka tirsanaa militeriga Kenya ee (KDF) magacooda loo soo gaabiyo.
Sidoo kale waxay sheegeen inay ku burburiyeen weerarkaas todoba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo in ka badan shan gaari oo kuwa militeriga ah.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in qeybo badan oo saldhigga Simba ka mid ah ay gubeen, soo afjaridda weerarkaasna ciidamadii ku sugnaa saldhiga ay ku qaadatay in ka badan 10 saacadood oo xariir ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Dowladda Kenya waxay sheegtay in weerarka aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan, laguna dilay dhammaan Shabaabkii weerarka sii qaaday.




SOURCE: Shabaab oo sheegatay tiro askar Mareykan ah ‘oo ay ku dileen’ weerarkii maanta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.