Shabaab oo xabsi dhigtay ajaaniib looga shakiyay arrimo halis ah (Warbixin)

0
84

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan dadka ku nool gobolka Jubadda Dhexe maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xabsi dhigtay Ajaaniib la sheegay inay kasoo jeedan dalka Kenya.
Maleeshiyaad ka tirsan qeybka Gobolka ayaa Ajaaniibtaasi ku xiray Xabsi ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, kadib markii looga shakiyay inay basaasiin ahaayen.
Ajaaniibtan oo kor u dhaafeysa afar ayaa la sheegay in Degmada laga dhexqabtay xili ay ku mashquulsanaayen ku hadalka teleefano dibadda ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Maleeshiyada ayaa ajaaniibtaasi ku heysa baaritaano ay ku xaqiijineyso tuhunka laga qabo ee basaasnimada ah.
Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa inta badan beegsata Ajaanibta ku sugan degaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana ay sheegan in ay yihiin Sirdoon u shaqeeya dalalka reer Galbeedka.
Ma cadda sida ay Al-Shabaab ka yeeli doonaan ajaaniibta ku jirta gacantooda, waxaana suuragal ah in kiiskooda uu intaa kasii bato.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Shabaab oo xabsi dhigtay ajaaniib looga shakiyay arrimo halis ah (Warbixin)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.