Shan su’aallood oo la is waydiinayo kadib qaraxaii iyo weerarkii xarunta Otto Otto

0
293

Muqdisho (Caasimadda Online) – Su’aalo badan ayaa dadku is weydiinayaan kadib qarixii maanta oo lala beegsaday labadii Wasaaradood ee Amniga qaabilsanaa ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Gudaha, xaruntooda Otto Otto ee sida weyn oo ilaaliyo.
Madaxda sare ee dowladda ayaa muddooyinka dambe ku doodayey inay wax weyn iska bedeleen xaaladda amniga magaalada Muqdisho, isla markaana la sugay nabadgelyada, kadib markii ciidamo badan la dhigay wadooyinka, lana xiray wadooyin badan oo si aad ah loo yareeyay isu socodka dadka iyo Gadaiidka.
Su’aalaha la is weydiinayo weerarkii Otto Otto kadib, waxaa ka mida:
1- Sidee Alshabaab ugu suuragashay inay beegsadaan xaruntii ugu weyneyd ee Wasaadaha qaabilsan Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo xarun u ah ciidamda Booliska iyo Isgaarsiintooda..?
2- Sidee dabley Alshabaab ah iyo Gaari qaraxyo ka buuxaan u soo dhaafay baraha ciidamada amniga Caasimadda ee dadka oo dhan loo diido inay maraan..?
3- Haddii Xaruntii Otto Otto oo muhiimadda intaas la eg lahayd ay gudaha u galeen Alshabaab.. ma jirtaa meel aysan gaari karin..?
4- Ma ku filan yahay weerarka Otto Otto ku qaadeen Alshabaab inuu hurdadda ka kiciyo xukuumadda iyo madaxda sare oo muddooyinkii danbe ku doodayey in la sugay amniga caasimadda.?
5- Ma jiri doonaa isla xisaabtan iyo dib u eegis fashilka dhacay, mise waxaa mar kale la maqli doonnaa hadalladii dhegaha dadka ku batay ee ku saabsanaa: waa laga hortegay, qasaaruhu intaan wa ka badan lahaa,.. Waa la soo afjaray .. iwm.
Qarixii weynaa ee Zoobe oo Muqdisho ka dhacay Otober 2017 oo dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen waxaa xilalka looga qaaday taliyeyashii Booliska iyo NISA, waxaase weli muuqda inaysan wax badan iska bedelin qaabka shaqada hay’adaha amniga, madaxa iyo ciidamada u xil saaran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Shan su’aallood oo la is waydiinayo kadib qaraxaii iyo weerarkii xarunta Otto Otto

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.