Shan waxyaabood oo sax ka dhigayo hadalkii Museveni uu ka sheegay Soomaliya

0
55

Waxaan arkay Soomaali badan oo ka xajiimooday hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha uganda museveni, laakiin runtii anigi hadalkaas wuxuu iila muuqday mid dhiiro galin ah oo ubaahan inaan cashir kabarano.Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay (AUN) Mohamed siyaad bare kadib, soomaliya mayeelan dowlad oo waxa ay aheed waddan uu burbur ku yimid dowladnimadiisa. Marka aan sidaas leeyahay waxaan ulajeedaa in soomaliya ay dhumisay dhamaan sifaadkii looga baahnaa dal leh dowlad.Wadanka markuu leeyahay dowlad waxaa laga rabaa inuu buuxiyo sifaadkaan hoos ku xusan;Wadankaas waa inuu awood uleeyahay inuu difaaco madax banaanidiisa dhuleed,waa inuu awood uleeyahay inuu cadawga ka difaaco xuduudihiisa,waa inuu leeyahay ciidan qaran oo difaaci karo shacabkiisa,waa inuu yahay mid siin karo shacabkiisa adeegi ay ubaahnaayeen hadeey ahaan laheed caafimaad, waxbarasho iyo etc.waa inuu yahay mid awood uleh uruurinta canshuurta dalka oo idil.intaas iyo in kabadan ayaa laga rabaa dowlad. Hadaba waxaa isweydiin mudan dowladda somaliya maleedahay sifaadkaas aan kor kusoo xusay. Jawaabtu waa maya,sidaan ognahay soomaliya maleh ciidan qaran oo difaaci karo xuduudaha dalka, oo waxaan aragnaa in maalin walbo ay ciidamada dowladdaha dariska ah ay iska soo talaabaan xuduudaheena,waxaan aragnaa in ciidamada kenya ay shacab masaakiin ah duqaymo kulaayaan gobolka gedo,mana jirto dowlad ka hadasho dhibaatada lagu hayo dadkaas,waxaan aragnaa in ciidamo shisheeya ay ilaaliyaan madaxdeena,waxaan aragnaa in meelihi ugu miihiimsanaa dalka uu shisheeya maamulo,waxaan aragnaa in mushaarka ciidankeena ay dalal shisheeya bixiyaan.Markaan xaqiiqda usoo noqono oo aan katagno caadifada iyo laablakaca beenta ah waxaa noo muuqdo in soomaliya aysan waxbo faraha kuheyn, in soomaliya ay tahay dal fashilmay oo ay fashiliyeen dadkiisa. marka maxaa nala gudboon hadaan soomali nahay, waxaa nala gudboon  inaan xaqiiqda wajahno, inaan garano in dowladnimadu tahay waxa kaliya ee aan kusoo ceshan karno sharafkeeni umadeed.Qof walbo oo ay lixjeclo kahayso dalkiisa,rabana inuu arko soomaliya oo leh dowlad xoogan; waxaa laga rabaa inuu qayb kanoqdo dhismaha wadankiisa,waxaa laga rabaa inuu bixiyo canshuuraadki looga baahnaa si dowladdu uhesho ila dhaqaale,waxaa laga rabaa inuu kamid noqdo ciidanka dalka,waxaa laga rabaa inuu abuuro fikir ganacsi oo dalka iyo dadkaba faa’ido uleh,waxaa laga rabaa inuu yahay qof naftiisa hormariyay,waxna bartay dadka kalana waxbaray,waxaa laga rabaa inuu dalkiisa daacad ugu shaqeeyo, musuq maasuqana kafogaado,waxaa laga rabaa inuu noqdo qof  si mas’uuliyad ay kudheehantahay udoorto hogaanki dalka lagu aamini lahaa.Hadii dad badan sidaan ufakiraan ficilna kudaraan,waxaan yeelan doona wadan dhisan oo leh dowlad xoogan.DALKAADA WAX KU BİİRİ HADAAD JECESHAHAY.W/Q. Abdikarim Abdullah Email: waweyneyare@gmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: Shan waxyaabood oo sax ka dhigayo hadalkii Museveni uu ka sheegay Soomaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.