Shaqaalaha DF oo walaac ka muujiyay baaris nooc cusub ah oo lagu billaabay

0
181

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka socday hubin kale oo la marinayo shaqaalaha dowladda ee dib loo diiwaan gelinayo, balse middan waa nooc ka duwan kuwii hore, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Kadib qaraxii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir shaqaalaha dowladda waxay mareen dhowr heer oo hubin iyo dib u diiwaan gelin ah, waxaana ka mid ahaa in qofka shaqaalaha ah ee la diiwan gelianayo la weydiiyo su’aalo hubin ah islamarkaana uu la yimaado damiin buuxo oo loo raacan karo wixii dhib ah uu geesto.
Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda lagu soo kordhiyay hab cusub oo inta badan shaqaalaha dowladda walaac ka muujiyeen iyo kalsooni darro amni.
Diiwaan gelintaan loogu yeeray heerka saddexaad ee hubinta shaqaalaha dowladda ayaa ah, in qofka shaqaalaha ah gurigiisa la geeyo geeyo koox ciidaamda amniga kamid ah oo degmada uu degan yahay ku qoran, kuwaas oo aan aheyn ciidan la arko ama la yaqaano waana sababta keentay cabsida shaqaalaha.
“Dhalinyaro ku labisan dharka shacabka balse ka tirsan ciidamada amniga, ayaad geynee guriga waxay soo qorayaan qoyskaaga iyo tilmaamta guriga, hadii aad habeenada qaar soo dhaxdo waxaad geyneysaa halka aad ku soo dhaxdo” ayuu yiri masuul ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Sababta walaaca keentay ayaa lagu sheegay in ciidanka shaqadaas qaabilsan oo ka tirsan hay’adaha ammaanka aysan aheyn ciidan habraac sax ah soo maray kalsooni weyna aan lagu qabi karin.
Qorshaha ayaa la sheegay inay dowladda ka damacsan tahay in lagu xaqiijiyo ogaanshaha haddii shaqaalaha dowladda ay sameeyaan xiriiro ay ka iman karto halis amni, sida xiriirada Al-Shabaab, oo horey shaqaale dowladeed ugu adeegsatay weeraro ay fulisay.




SOURCE: Shaqaalaha DF oo walaac ka muujiyay baaris nooc cusub ah oo lagu billaabay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.