Shariif Sheikh Axmed oo tagay magaalada Garowe “Iguma cusbo Garowe”

0
257

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed ayaa tagay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo si weyn looga sugayay.Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa la socdo xubno xisbigiisa kamid ah, waxaana  ay kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe, isaga oo sheegay in Garowe aysan ku cusbeyn inuu tago balse xaalad kale ay maanta ka jirto magaalada Garowe.Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,kuxigeenkiisa,Xildhibaano qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne SHariif Sheikh Axmed ,waxaana uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Bambeyda oo goobta ku diyaarsanaa.Madaxweynaha waxaa Garoowe kaga sii horeeyay Xubno badan oo ka mid ah mucaaradka dowladda Federaalka,kuwaas oo shalay badankood gaaray Garoowe iyo mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Shariif Sheikh Axmed oo tagay magaalada Garowe “Iguma cusbo Garowe”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.