Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Man United Vs Burnley & Newcastle United Vs Man City-Ayay Guardiola & Solskjaer Ku Soo Shirtageen.

0
46

Manchester City ayaa marti u ah kooxda Newcastle United waxayna Sky Blues haysataa fursad ay culays u sii saari karto Liverpool ka hor kulankooda Leicester City. Manchester City ayaa doonaysa in ay hal dhibic u sii jirsato Liverpool taas oo haddii ay soo guulaystaan culays wayn ku noqon doonta Liverpool oo kulankeeda ilaa habeen danbe sugi doonta.
Dhinaca kale Manchester United ayaa Old Trafford ku soo dhawanaysa kooxda Burnley waxayna wiilasha Solskjaer isha ku hayaan in ay guushii 9 aad oo xidhiidh ah gaadhaan taas oo uu ku dhigi doono taariikh cusub oo Premier league ah.
Guardiola ayaa wali kaydka ku sii haya difaaca Barcelona lala xidhiidhinayay ee Nicolas Otamendi wuxuuna sii aaminay Stones iyo Laporte oo difaaca dhexe markale ka wada ciyaari doona halka Danilo iyo Walker ay difaacyada midig iyo bidix ku soo bilawdeen.
Sergio Aguero ayaa caawin ka heli doona Leroy Sane iyo Raheem Sterling halka De Bruyne, David Silva iyo Fernandinho ay khadka dhexe ku soo wada bilawdeen waxaana kaydka ku jira Bernardo Silva.
SHAXDA RASMIGA AH EE MAN CITY VS NEWCASTLE UNITED 
Man CIty XI : Ederson, Walker, Danilo, Stones, Laporte, Fernandinho, Silva (C), De Bruyne, Sterling, Sane, Aguero
Kaydka: Muric, Gündogan, Bernardo, Mahrez, Otamendi, Jesus, Foden
Newcastle XI : Dubravka, Yedlin, Schar, Lascelles, Lejeune, Ritchie, Hayden, Longstaff, Atsu, Perez, Rondon
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa markale shaxdiisa ku soo bilaabay Romelu Lukaku kadib markii uu bandhig fiican ka sameeyay kulankii Arsenal ee FA Cupka waxayna weerarka ka wada ciyaari doonaan Rashford iyada oo Mata uu kulankan ku soo bilawday.
Laakiin Matic, Pogba iyo Herrera ayaa sii joogteeyay in ay khadka dhexe ee Manchester United ku soo bilawdaan halka Young, Lindelfof, Jones iyo Shaw ay yihiin afarta difaac ee kulankan ku soo wada bilawday.
SHAXDA RASMIGA AH EE MAN UNITED VS BURNLEY:
Burnley XI vs Man United: Heaton, Bardsley, Tarkowski, Mee, Taylor, Cork, Westwood, McNeil, Hendrick, Barnes, Wood
Man United XI vs Burnley: De Gea, Young, Lindelof, Jones, Shaw, Matic, Pereira, Pogba, Mata, Rashford, Lukaku
The post Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Man United Vs Burnley & Newcastle United Vs Man City-Ayay Guardiola & Solskjaer Ku Soo Shirtageen. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Man United Vs Burnley & Newcastle United Vs Man City-Ayay Guardiola & Solskjaer Ku Soo Shirtageen.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.