Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 89aad

0
44

jowhar Somali News Leader
Waa subax muda la wada sugaayey waa subaxdii loo balansanaa Nikaaxa Samiira iyo Qadar labada qoys oo ay weheliyaan asxaab iyo qaraabo ayaa ku sugnaa Hotel loo diyaarieyey.
Inuu ka dhaco xaflada Nikaaxa Qadar oo hore dharka uu xeran lahaa ay Samiira u soo xushay ayaa xernaa dhar dhaqani ah oo dalka lagu farsameeyey oo iyada u dalabtay hab maamuus oo aad looga shaqeeyey ayaa uu ku dhacay iyada oo reerka Qadar iyada oo la wada dhan yahay.
Ay mar kale codsadeen Samiira in gacanteeda loo idmo si wadajir ah ayaa lagu gudoonsiiyey iyagana ku gudoomeen halkii Nikaaxii taariikhi ahaa uu ku dhacay oo aa looga wada faraxsanaa si marxabeyn iyo lab is gelis ayaa lagu soo gunaanaday iyadoo xafladii Qadada loo balamay kaa oo loo kala saaray raga iyo Dumar oo labo qeyb loogu talagalay in ay ka dhacdo iyadoo galabtiina ay jirtay xafladii dhalinyarada iyada oo si wanaagsan oo faraxadi ku jirto loogu cayaaray looguna guri geeyey Samiira iyo gacaliyaheeda Qadar.
Waxaana Samiira habeenimadii la geeyey guriga reer Warsame Cali oo ah meesha ay farxadeeda taalay oo ay kula midoobeysay gacaliyaheeda ay nafteeda u hibeysay Qadar Warsame waxaana la geeyey qol ay iyada wax badan qurxintiisa fikir ku laheyd waxa ay u ahayd habeen kaga badalan habeenada kale sawiro badan oo ay wada galeen asxaabteeda kadib ayaa laga huleelay iyada oo la isu keli yeelay Samiira iyo Gacaliyaheeda oo caawa qol ku wada sugan iyaga oo aan kala xijaabaneynin.
 
Qadar markii uu soo dhar badashay ayuu hoos u soo degtay oo arrimo shaqada quseeya kala soo hadlay Saalaxey oo banaanka u taagnaa markii uu soo laabtay ayaa uu qolkii ka waayey Samiira waxa uuna u gudbay balakoonka oo fikirkii Samiira ahaa in la dhigo labo kursi si ay habeenada qaar hawo ugu qaadaan isaga ooo goobtii taagan ayay gadaashiis ka timid oo ay isku duubtay oo ay ku tiri.
 
Samiira:
Macaane caawa iyo maraxaladaan farxadeed maxaad ka leedahay
 
Qadar:
Wax badan Ayaan ka dhih doonaa, macaanto waan ku waayey halkee jirtay
 
Samiira:
Hooyo ayaa I kaxeysay oo Aabe ayaa la ii baraayey
 
Qadar:
Caawa waa habeen aan muda wada sugeynay
 
Samiira:
Taa dardeed Ayaan kuu leeyahay caawa hadalka aan yareyno oo aan ahaano kuwa isku dhow oo is dareema nolosha macaankeeda wadaago
 
Qadar:
Laakiin in aan wax badan ku dhaho Ayaan rabaa
 
Samiira:
Ka waran ilaa beri in aad noo hakiso caawa erayo jaceyl waxaan aheyn ma maqlo
 
Qadar:
Ugu horeyn waan casheyneynaa kadibna waan hadleynaa
 
Samiira:
Ma aqaan hadalka Baas meesha aad nooga keentay caawa ma mid daruuri ahaa
 
Inta uu dhunkaday ayaa uu yiri
Qadar:
Haa macaanto
 
QEYBTA 90AAD
 
Qadar markii cashadii loo soo diyaariyey ayaa uu soo qabtay oo miiska yare ee gudaha u yaalay soo saaray kadib si maxabo leh ayaa afka la isu gelinaayey ilaa uu midba midka kale uu ka yiraahdo bes macaane iyo bes macaanto si farxad leh ayaana sariirta lagu wada tagay in cabaar ah markii la isa fiirnaayey ayaa uu Qadar hadalkii furay oo uu yiri
 
Qadar:
Macaanto waxaan rabaa hadal aan hore kugu sheegeynin in aan kuu sheego si nolosheena aysan u lahaanin siro noo qarsoon oo wada noolaanshaheena ay ahaado mid waadax ah oo aan madmadow laheyn nolosha caawa halkaan Ayaan ka bilaabeynaa waxaana tahay qof aan ku kalsoon nahay nafteyda aan ugu kalsooni qabo waxaan doonayaa in aad ahaado qeyb iga mid ah oo aan waxba aan nolosheyda kaa qarin
 
Samiira:
Macaane intaas oo dhan waan ogahay lamaano isku dhow oo is jecel iskuna kalsoon Ayaan nahay ma sir kuu qarsoon ayaa jirta oo aan ogeyn
 
Qadar:
Haa macaanto
 
Samiira:
Ma mid daruuriyaa in aan ogaado
 
Qadar:
Haa macaanto waa daruuri sirtaas adiga ayay qeyb saameyn kugu leedahay waxa aan u rabo in aan caawa kuu sheego ayaa sidaa ah
 
Samiira:
Hagaag waan ku maqlayaa ii sheeg runtii waad I cabsi gelineysaa
 
Qadar:
Wax cabsi ah ma jirto aniga ayaa rabo in aan runta ka hadlo ma fahamtay
 
Samiira:
Waa ku maqlayaa hadal macaane
 
Qadar:
Macaanto waxaa tahay qofta lagu amaanayo xiriirkeena guusha uu gaaray ileyn adiga ayaa uu ahaa qofta uu rabitaanka ka yimid haddana aan la ganban dareenkeeda si waadax ah igu soo sheegtay wallow aan aniga ka laaclaacay oo aan ka madax adeegay haddana ugu dambeyn waa tii aan kuu imid diyaar u noqday in aan sheeko wadaag kula noqdo waan xasuustaa in aad igu tiri gacantaada ii dhiib waan hubaa in aan ku kasban doono tii waa ay dhacday waxaan joogaa xilli indhahayga adiga oo kaliya ay arkaan dhagaheyga adiga oo kaliya ay maqlaan carabkayga magacaaga oo kaliya uu ku dhawaaqo waxaas oo dhan oo kalsooni ah adiga ayaa abuuray macaanto laakiin arrin kale oo aan kuu sheegin ayaa jirtay
 
Samiira:
Arrintaas maxay tahay
 
Qadar:
Aniga xiriirka bilowgiisa daacad igama aheyn
 
Samiira:
Taas lama yaabayo maxaa yeelay maalintaad aqbashay in aan sheeko wadaag noqo waaad igu tiri jaceylka maba aaminsani marka dareenka jaceylka qof diidan ayaad aheyd intee daacadnimada ka imaaneysaa ileyn waxa la rabo in daacad loo noqdo maba aaminsaneyn
 
Qadar inta uu sariirta ka soo kacay ayaa uu yiri
 
Qadar:
Macaanto si aan kugu qeexo ayaanba garan la’ ahay
Samiira oo ka soo daba degtay ayaa ku tiri
 
Samiira:
Qadar cabsi ayaad I gelineysaa maxaa jira oo aad rabto in aad I tiraahdo arrinta in ay weyn tahay Ayaan u fahmayaa maxaa jira oo aad hore iga qarisay waa ku baryaa iga daa ha ii sheegin waxba
 
Qadar:
Macaanto aniga nin xun Ayaan ahaa balse uu jaceylkaaga badalay xiriirkaan kaa aqbalay in aan si xun u isicmaalo Ayaan rabay waxaase wax kasta ka xoog badiyey jaceylkaaga iyo daacadnimadaada ma ogtahay in habeenkii ugu horeysay ee cashada kuu kaxeynayey in aan xumaan kula doonaayey  waliba aniga oo waxyaalo aan jirin is tusinayey in aan kaaga aargudo walaalkaa Yaasiin oo meher xaday Walaashay runtii ficilkaan damacsanaa wax laga xishoodo ayaa uu aha haddana si la yaab ah Ayaan u gareystay in aan wado qaldan ku socdo erayadii dareenka lahaa ee daqiiqado ka hor ii soo dirtay ayaa I badalay ina dareen siiyey in Samiira ay tahay gabar ii daacad ah oo nafteeda igu lamaaneysay wax kasta daacadnimadaada ayaa badalay aniga iga yeelay in dareemo in aan qalad ku jiro maalintaa wixii ka dambeeyey ayay nafteyda bilowday in ay jaceyl kuu qaado ka hor inta aan nolosha bilaabanin Ayaan jecleystay in aan kuu sheego qeyntaas xun ee nolosheyda ku jirtay.
 
Samiira oo fajac iyo lama maqlaan ku aheyd erayada ka imaanayo Qadar ee xumaanta xadkaa la eg xambaarsanaa ayaa iyada oo illinta sooo dhaaftay la soo booday.
 
Samiira:
Maxaad damacsaneyd in aad igu sameyso ii sheeg ma inta aad guri I geyso Ayaan asxaabtaada igu yeeri laheyd kadibna kufsi wadareed ii geysan laheydeen runtii waan kaa niyad jabay Qadar waan ka xishoonayaa in aan macaane ku iraahdo kaalay ilaa xadkaan miyaad xumeyd.
 
Qadar markii uu arkay in ay xanaaqaday ayaa uu damcay inuu isku duubo oo raali geliyo cafisna warsado balse Samiira waa ay ka diiday inuu u soo dhawaado iyada oo ku tiri.
 
Samiira:
Maxaad iga dooneysay in aan ku dhaho macaane waan ku cafiyey sidaas oo dhan daciif uma ihi runtii ficilka waxaa mar kasta ka weyn qalbiga xumaanta uu qaaday sow qalbigaaga xumaan inuu ila doono kuma fikirin haddaba mid ogow xumaan iyo samaan qalbi ma wada qaado mana nihi kuwa ay nololi dhex mari karto igana fogaaw mana dhaceyso in aan lamaano nolol wadaago ahaano.
 
Qadar:
Wax walba ayaad xaq u leeahay in aad igu tiraahdo laakiin ficilka ma aanan sameynin macaanto samaaxaadna waa mudan nahay.
 
Samiira meel gees inta ay fadhiisatay ayay madaxa qabsaday Qadar waa uu dul taagnaa in cabaar ah ayaa uu sugay ugu dambeyn waa isku duubay isaga oo ku ooyey oo yiri “waa ku baryaa macaanto I cafi oo I dheh waa ku cafiyey” Samiira inta ay iska filiqday ayay tiri.
 
Samiira:
Nin la cafiyo ma tahay horta ii sheeg walaalkay muxuu xumaan ah oo uu reerkaaga ku sameeyey ee aad dooneysay in aad aniga iga jarto kaliya walaashaa ayaa uu jeclaaday waana uu guursaday guri waa uu geystay ma intaas ayaad xumaan u taqaan Qadar runtii waan ka shalaaynayaa in nolosheyda aad qeyb ka noqotay mana dhaceyso in xiriirka noo dhaxeeyo uu ahaado mid sii jiro.
 
Qadar:
Aniga in aad qaldanaa waa ogaa laakiin maxaa ka dambeeyey miyaanan kuu muuqan jaceylkii aan kuu qaaday miyaan kuu muuqan sida wacnaa oo aan kula dhaqmayey iyo sida nolosheyda ugu aheyd bidhaan macaanto caano daaday dabadood la qabay waxba yaan sii qubin ee I cafi nin qaladkiisa gareystay wanaag badana ku badalay oo cafis dalbanayo Ayaan ahay.
Samiira mar kaliya ayay qeylisay oo ay ku tiri
 
Samiira:
Kuma doonayo kugumana kalsoonaan karo ee I dhaaf hana ii soo dhawaan mana laga yaabo in aan caawa qol kugula hoyda
 
Markiiba in ay baxdo ayay damacday waa uu soo celiyey oo uu ku yiri
 
Qadar:
Macaanto qolka nagu dhegan Hooyo iyo Aabe ayaa degan waa ku baryaa codkaaga hoos u dhig
 
Samiira:
Marnaba ha ku fikirin in arrintaan aan hoos u dhigo mana kula seexanayo ileyn kuguma kalsooni
 
Qadar:
Macaanto deganaan muuji waan hubaa in aan is fahmi doono ileyn dad jaceyl nolosha ku abuurtay Ayaan nahay dhib malaha sariirtaa seexo aniga kuuma soo dhawaanayo dhulka Ayaan seexanaa teeda kale arrintaan ha inoo gaar ahaado waana ogalahay in aan kaa fogaado ilaa aad I cafiso laakiin qolka ha iga bixin.
 
Samiira:
Side kugu kalsoon karaa oo aan qol kugula noolaadaa
 
Qadar:
Waa ku baryaa waqti qaado xanaaqa ku haayana go’aan ha ku qaadan oo nolosheena ha qaribinin
 
Samiira:
Nolol ayaa uu ku leeyahay maxay tahay nolosha aad ka hadleyso go’aankayga aniga oo kaliya ayaa leh mana dhaceyso in aan nolol kula wadaago hore Ayaan u qaldamay mana dhaceyso in aan mar kale kugu qaldamo.
 
Qadar waa uu kari waayey inuu Samiira wax ka dhaadhiciyo waxa uuna xaalkooda habeenkii ku dhamaaday in waaga uu ka dul baryo iyada oo aan xal la gaarin Samiirana waa diiday in ay dhageysato.
Habeenkaas iyada oo aan midkood dhinaca dhulka dhigin ayaa uu waaga baryey waxaase nasiib wanag u ahaa Qadar in qeyladooda aysan cidna ku soo kicin waxayse is weydiintu tahay Waaga saaka baryey yuu Samo u ahaan doonaa Qadar mise Samiira.
DHAMAADKA SHEEKADA XILLIGII 2AAD SEASON 2 LA SOCO XILLIGA 3AAD SEASON 3 USBUUCYADA SOO SOCDA
Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com
The post Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 89aad appeared first on Jowhar.




SOURCE: Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 89aad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.