Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 112aad

0
58

Waa xilli Barqo ah Sureer subaxaas ma aysan shaqo tagin maadaama ay caawa shaqada leedahay waxa ay ku jirtay nasashadeeda waxaana telefoonka ku soo garaacday Aamow oo markii ay ka qabatay ku tiri.
 
Aamow:
Sureerey qoftii waa qiratay ugu dambeyn culeyska waa na deeyey
 
Sureer:
Naa waxaad leedahay kuma fahmin muxuu yahay culeyska
 
Aamow:
Kaalay adiga maxaad dhiman dhiman isaga dhigeysaa war qoftii Ayaan ka hadlaayaa waa qiratay
 
Sureer:
Walaalay Aamow si waadax ah wax igu sheeg maxay tahay hadalka aad rogrogeysid horta inta aad is dejisid si cad warka igu sharax si aan kuu fahmo ugu yaraan.
 
Aamow:
Illaahow dulqaadka noo badi naa waxaan ku leeyahay qoftii Falis aheyd jaceylkeedii waa qiratay ma I fahamtay hadda.
 
Sureer:
Ku fahmay ee waxaan ku weydiinayaa yey u qiratay ma isagii ayaa soo wacay side wax u dhaceen ii sheeg.
Aamow:
Pagekeeda facebook ayay ku qortay ee adiga qadka gal waad arkeysaa
 
Sureer:
Side ugu qortay bal ii sheeg
 
Aamow:
Kaalay adiga guriga qad ma ku yaalo miyaa micnahay war qadka gal kadib cinwaankeeda ka fiiri ha I daalininee.
 
Sureer markiiba telefoonkeeda ayaa ay soo qabsaday oo durbaba ku booday si ay u aragto waxa ay saaxiibteed qortay markiiba qeybta sare ayaa uu saarnaa Falis oo beryahaan aan is garan Karin ayaa ugu dambeyn qortay dareenkkii dhabta ah ee ay iyada dareemeysay waxa ay pagekeeda ku qortay heestii NImco Yaasiin oo ay si kala dhig-dhigan u qortay erayada heesta oo sidaan aheyd.
 
SIDII RAMAD GEEL DHALOO
NIRGAHA LAGA REEBAY BAAN
INTAAN HOOS U REEMAYAA
ILAYS BAAN KUGU RAADIYAA
SIDII ROOBKIYO UFADA
REYSKA IYO DOOGAA UDGOON
SANKA KULA RAACAYAAAAAA
GABDHAHA RUNTA SHEEGAN KARIN
AADMIGA WAA RAG IYO DUMAR
LABIYO DHEDIG AA IS RABBA
RAAXADA WAA ANIYO ADIGA
GURIYO REER MA WADA YAGLEELNAA
 
In ugu dambeyn ay Falis runta sheegato waxa ay aheyd arrin ay wada sugayeen Sureer iyo Aamow balse waxaa ayaandaro aheyd in Mursal oo intii mudaba ka maqnaa baraha bulshada aysan jirin meel uu ku arki karay hadalada dareenka leh ee ay Falis qortay Mursal waxaad moodaa inuu markaan u go’ay ganacsigiisa curdan ahaa ee uu ka bilaabay dalka Shiinaha mana jirin xiriir uu beryahaan la soo sameeyey Falis iyo waliba wiilkiisa Maxamed Yare uu ugu kalsooni qabay Falis oo aheyd habaryartiis is xiriirin la’aantooda ayaana sii fogeyneysay in ugu dambeyn ay ahaandaan lamaano nolosha isla fahma.
 
Samiira kalkoolin iyo ilaalin badan ayay ka heshay Qadar iyo qoyskiisa waxaana laga dhowray wax walba oo dhib ku keeni kara tani ayaa iyada u aheyd kalsooni badan iyo jaceyl dheeri mid ay ugu qaaday ninkeeda iyo qoyskiisa waxaase ugu dambeyn Samiira loo wareejiyey gurigii hoooyadeed mar haddii mudo bil kadib ay ahaan karto xilliga ay umuleyso Qadar waa iska jeclaa in xaaskiisa uu isaga wax walba u qabto oo ay la joogto balse hooyadiis ayaa u sheegtay in tani ay tahay mid dhaqan ah gabar kasta marka ay cunugeeda ugu horeeya ay dhaleyso in hooyadeed ay ku ag dhalasho sidii ayaana uu ku aqbalay Samiirana lagu geeyey xaafadii Hooyadeed Farxiya wallow Qadarna uusan harin oo uu habeen kasta u tagi jiray.
 
Amarkii Alla ee aan la dhaafi Karin ayaa waxaa ku yimid Samiira Ayeeyeed aabaheed dhashay waa aabaha dhabta ah ee Samiira waa Cali Muran Ayeeyo Nuura intii muda ah waa ay xanuunsaneyd waxayna la nooleyd wiilkeeda Cali Muran. 
 
Dhamaan reerka si wadajir ayay kaga qeyb galeen Aaskii Ayeeyo Nuura waxaa kaalintooda qaaday Reer Warsame Cali oo neef geel iyo raashiinkiisa geeyey maalintii meydka yaalay waxaana ilaa meydka laga bixiyo goobta ku sugnaa Qadar iyo Aabahiis oo dhamaan qoyska kaga tacsiyey geerida Maama ku timid. 
Samiira oo laf ahaanteeda goobta waa ay ku sugenyd Qadar oo iyada mar kasta u cabsanaayey ayaa ku lahaa macaanto aan xaafada ku geeyo iyada waxa ay laheyd ilaa meydka Ayeeyo la bixiyo waan joogayaa. 
 
Sida caadada ayaa salaada Casir la isku raacay in meydka la bixiyo Qadar oo weli u murgayo Samiira oo culeys ka muuqda ayaa u yimid iyada oo la joogto Mulki oo ay ilmo adeero ahaayeen inta uu caagad biyo u dhiibay oo uu ku yiri.
 
Qadar:
Macaanto ilaa casirka sidaan uma fadhin kartid xaafada Ayaan ku geynayaa waana balan aniga ayaa ku soo celinayo.
 
Samiira:
Qadar aboowe waxba igama dhibayo waa h al maalin caadi ayaana ahay oo dhib ma dareemayo aan gabadhaan ku baro waxaa la yiraahdaa Mulki adeerkey ayaa dhalay.
 
Mulki:
Maasha allah barasho wanaagsan walaal aniga hore kuuma arkin arooskiina sacuudiga Ayaan ku maqnaa barasho wanaagsan mar kale.
 
Qadar:
Wanaagsan walaal, Samiira aniga halkaas Ayaan fadhiyaa haddii aad wax u baahato ii wac 
 
Mulki intii uu la hadlaayey fiirineysay ayaa Samiira ku tiri
 
Mulki:
Samiiroy hadda wiilka waa uu kugu waalan yahay sida uu kuu dareemaayo Ayaan ka qeyliyey bal ii sheeg kan intee isku barateen.
 
Samiira:
Qadar sida uu indhahayga u yahay Ayaan indhiisa u ahay labadeena waxanu nahay jeceeladii isu horeeyey.
 
Mulki:
Walaahi waa idinka arkaa illaahay isukiin daayo.
 
Ayeeyo Nuura gurigeedii rumaad ayaa la geeyey waana laga soo noqday Qadar markii xabaalaha laga yimid ayaa uu Samiira u soo noqday oo uu meshii ka soo waday Walow Samiira ay iska rabtay in ay joogto haddana waa uu ka diiday oo waxa uu kaxeeyey xaafada ilaa Hooyo Farxiya habeenkii ka timaado waa uu la joogay. 
Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com
The post Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 112aad appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 112aad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.